Isku Aadka CECAFA U-20 Challenge Cup Oo La Soo Saaray Iyo Xulka Somaliya Oo Galay Group C

0
253

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiriirka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika [CECAFA] ayaa soo saaray jadwalka kulamada koobka Cecafa U-20 ee tartanka 2019.

Sida ku cad jadwalka koobka waxaa martigalinaayo dalkaUganda sida la qorsheeyay tartanka,wuxuu bilaaban doonaa  21ka Sebtember ilaa 5 Oktoobar 2019.

Kow iyo toban dal oo a mid ah wadamada ku yaala geeska Africa ayaa loo qaybiyaa saddex qaybood. Uganda, Suudaan, Ereteriya iyo Jabuuti ayaa ku jira Group A, halka Group B ay ku jiraan Kenya, Ethiopia, Zanzibar iyo Tanzania.

Soomaaliya, Burundi iyo Koofurta Suudaan ayaa kujira Group C oo ah Group-ka ay ku jiraan wadamada ugu yara waxaana laga rabaa . Laba kooxood  oo ka soo baxa Group C iyo saddex koox oo ka socota koox kasta oo A iyo B ah ayaa ciyaari doono rubuc dhamaadka.

Soomaaliya ayaa la ciyaari doonta kulanka  ugu horeeya ee wareega group-ka xulka  Burundi kulankaan waxaa uu dhici doonaa  25-ka Sebtember.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here