isku aadka heerka Guruubyada Champions League 2022/23 oo caawa la sameynayo

0
189

Baladweyne (Radio Beerlula)- Waxaa caawa la sameyn doonaa sida uu qorshuhu yahay isku aadka heerka Guruubyada UEFA Champions League fasal ciyaareedka cusub ee 2022/23, haddana waxaan idinla wadaagi doontaa waxyaabaha aad uga baahan tihiin inaad ka ogaataan isku aadkan.

Kulamadii Playoff-ka ee loogu soo baxayay Champions League ayaa xalay oo Arbaco ahayd la soo gabagabeeyey, waxaana guulo gaaray Dinamo Zagreb, Rangers iyo FC Copenhagen oo noqday kooxihii ugu dambeeyey ee u soo baxa heerka Guruubyada Champions League 2022/23.

Isku aadka heerka Guruubyada Champions League 2022/23 waxaa la sameyn doonaa caawa oo ay Khamiis baxayso oo uu Jimco soo galayo.

Heerka guruubyada Champions League isku aadkiisa waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu xiisaha badan kubadda cagta Yurub, taageerayaasha daafaha caalamka ku kala nool ayaana doonaya inay la socdaan tartankan bilaha Jiilaalka.

Haddaba halkaan hoose ka daalaco faah-faahin ku saabsan waxyaabaha aad uga baahan tahay inaad ka ogaato isku aadka heerka guruubyada Champions League 2022/23, gaar ahaan wakhtiga uu isku aadku bilaabanayo iyo halka laga daawan doono.

Goorma ayuu bilaaban doonaa isku aadka Champions League?

Isku aadka heerka Guruubyada Champions League ayaa la sameyn doontaa waxaana uu caawa ka dhici doonaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, wuxuuna bilaaban doonaa 7:00 Fiidnimo xilliga Geeska Afrika.

Sida had iyo jeer dhacdooyinka noocan oo kale ah aan ku arki jirnay oo kale isku aadka ayaana dhici doona marka ugu dambeysa ee faladda UEFA oo dhan ay soo dhammaato, micnuhu waa in isku aadku noqon doono waxa ugu dambeeya ee la qabanayo caawa inta ay Munaasabaddu socoto.

Isku aadka ayaa ka soo horreeya sidii caadiga ahayd, maadaama inta badan la qaban jiray maalmaha Jimcaha  iyo Isniinta, kaddib markii la ogaaday kooxaha u soo gudbay wareegga xiga ee tartanka.

Halkee ka daawan kartaa isku aadka Champions League?

Wariyaasha maxaliga ah ee Champions League gobol walba waxay xaq u leeyihiin inay muujiyaan isku aadka oo laga waado TV-ga.

Marka aad joogto Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya waxaad isku aadka ka daawan kartaa Super Sport.

Si kastaba ha ahaatee, isku aadka ayaa sidoo kale laga daawan karaa khadka tooska ah ee dhinaca internet-ka waxaana laga baahin doonaa bogga Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA.com.

32-ka kooxood ee loo sameyn doono caawa isku aadka iyo qaabka loo maareynayo

Waxaa diyaar ah 32 kooxood oo loo qabanayo isku aadka Champions League sanadkaan, waxaana loo qeybin doonaa siddeed Guruub oo min Afar Kooxood ah, iyadoo lagu saleynayo dheriyada ay ku jiraan, waxaana xusid mudan in labo naadi oo isku dal ka dhisan aysan ku kulmi karin wareegga Guruubyada.

Sida ay Kooxaha ugu kala jiraan Afarta dheri:-

Dheriga 1-aad: Real Madrid, Frankfurt, Man City, Milan, Bayern, Paris, Porto iyo Ajax.

Dheriga 2-aad: Liverpool,  Chelsea, Barcelona,  Juventus, Atlético, Sevilla, Leipzig iyo Tottenham.

Dheriga 3-aad: Dortmund, Salzburg, Shakhtar Donetsk, Inter, Napoli, Benfica, Sporting CP iyo Leverkusen.

Dheriga 4-aad: Rangers, Dinamo Zagreb, Marseille, Copenhagen, Club Brugge, Celtic, Plzeň iyo M. Haifa.

Goormee la ciyaari doonaa kulammada heerka Guruubyada Champions League?

Sida caadiga ah koox waliba waxa ay ciyaari doontaa lix kulan, waxaana kulammada la ciyaari doonaan Maalmaha Talaadada iyo Arbacada, taariikhahan hoos ku xusan ayaana la ciyaari doonaa kulammadaas:-

Kulammada 1-aad: 6/7 September 2022

Kulammada 2-aad: 13/14 September 2022

Kulammada 3-aad: 4/5 October 2022

Kulammada 4-aad: 11/12 October 2022

Kulammada 5-aad: 25/26 October 2022

Kulammada 6-aad: 1/2 November 2022

Goormee la ciyaari doonaa kulammada bugbaxa & Final-ka Champions League?

Wareegga 16-ka UCL: Waxaa la dheeli doonaa 14, 15, 21 iyo 22 Febraayo & 7, 8, 14 iyo 15 bisha Maarso ee sanadka 2023.

Siddeed dhammaadka UCL: Waxaa la ciyaari doonaa, 11, 12, 18  & 19 bisha April ee sanadka 2023.

Afar dhammaadka ama Semi-finalka UCL: Waxaa la dheeli doonaa 9, 10, 16 & 17 bisha May ee sanadka 2023.

FINAL: Kulanka Final-ka ee Champions League ayaa isagana la ciyaari doonaa 10-ka bisha June ee 2023.

Halkee lagu ciyaari doonaa kulanka Final-ka Champions League ee 2023?

Kulanka Final-ka Champions League ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Atatürk Olympic Stadium ee Magaalada Istanbul, kaasoo ah garoonka xulka qaranka Turkiga.

Garoonkan ayaa ah midkii marti geliyey final-ka Champions League sanadkii 2005, markaasoo Liverpool oo lagu hoggaamiyey 3-0 ay soo laabasho ku sameysay AC Milan, isla markaana ay Reds ku guuleysatay Koobka, kaasoo lagu tilmaamo mucjisadii Istanbul.