Baledweyne ( Radio Beerlula )-Isku aadka koobka kooxaha aduunka ee FIFA Club Wolrd Cup oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa ka dhacay magaalada Miami ee dalka Marekanka caawa.
Manchester City ayaa difaacashada horyaalkaan cusub bilaabi doonta, iyadoo wajaheysa kulanka ugu horeeya kooxda heysata horyaalka Morocco ee Wydad AC.
City ayaa sidoo kale la ciyaari doonta Juventus iyo Al Ain FC ka dib markii ay kusoo wada baxren Group G, iyadoo labada kooxood ee ugu sareysa group walba ay u soo bixi doonaan wareega 16ka.
Ka dib markii lagu casuumay inay ka qeyb galaan koobka kooxaha aduunka Lionel Messi iyo Inter Miami kulankooda ugu horeeya waxay wajihi doonaan kooxda heysata horyaalka Masar ee Al Ahly FC, iyagoo ku wada jira Group A.
Kooxda Brazil ee Palmeiras iyo kooxda reer Portugal ee FC Porto ayaa sidookale kujira group-ka kooxda Messi.
isku aadka oo dhameystiran
Group A: Palmeiras, FC Porto, Al Ahly FC, Inter Miami
Group B: Paris Saint-Germain, Atletico Madrid, Botofogo, Seattle Sounders
Group C: Bayern Munich, Auckland City FC, Boca Juniors, SL Benfica
Group D: Flamengo, Esperance Sportive de Tunis, Chelsea, Club Leon
Group E: River Plate, Urawa Red Diamonds, Monterrey, Inter Milan
Group F: Fluminense, Borussia Dortmund, Ulsan HD, Mamelodi Sundowns FC
Group G: Manchester City, Wydad AC, Al Ain FC, Juventus
Group H: Real Madrid, Al-Hilal, CF Pachuca, FC Salzburg.