Baladweyne (Radio Beerlula)- Tartanka heerka saddexaad xaafadda Hilaac ee magaalada Baladweyne ayaa la shaaciyay kaasoo dhawaan la bilaabi doono.
Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood oo ka dhisan xaafadda Hilaac ee magaalada Baladweyne.
Kooxaha ka qeyb galaya tartankan ayaa lagu wadaa inay soo bandhigan ciyaaro xiiso badan oo soo jiita dhalinyarada daawaneysa.



