Sharciga shaqaalaha rayidka Galmudug oo lagu soo bandhigay Dhuusamareeb

0
129

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudiga Shaqaalaha rayidka ee maamulka galmudug ayaa magaalada dhuusa-mareeb ka daah furay Sharciga shaqaalaha rayidka iyo sharciga gudiga shaqaalaha rayidka ee maamul goboleedka galmudug kuwaasi oo soo maray xeerarka ansixinta sharciga islamarkaana noqonaya dhaqan gal kaasi oo lagu dhaqayo shaqaalaha rayidka ee maamulka galmudug.

Daah furka sharcigaan ayaa waxa goobjoog ahaa Mas,uuliyiin kasocday dowlada faderlka soomaaliya , Xildhibaano , Wasiiro iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Rayidka Maamulka Galmudug.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneeey.