Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qaar ka mid ah ardayda cusub ee sanadka koowaad ee dugsiyada sare u tagaya iskuulada ku yaalla galbeedka Kenya, ayaa timaha laga xiiray, si ay ugu hoggaansamaan xeerka “dharka” ee adag.
Ardaydan cusub oo ay galbinayaan waalidiintooda iyo mas’uuliyiintooda, ayaa safaf dhaadheer u galay miisas kala duwan, si ay u maraan nidaamka ogolaanshaha, kuwa lagu helo inay timo dhaadheer leeyihiin, ayaa loo diray koox timo-jareyaal ah.
TV maxali ah, ayaa baahiyay muuqaal ardayda wax ka baranaysa iskuulka oo timahooda laga xiirayo.