Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta ee macalimiinta iskuulka 𝐇𝐨𝐫𝐦𝐮𝐮𝐝 ayaa 𝟑-𝟐 uga badiyay kooxda macalimiinta iskuulka 𝐓𝐮𝐬𝐦𝐨 kadib ciyaar ku dhaxmartay garoonka kubadda cagta 𝐁𝐮𝐮𝐥𝐚𝐱𝐚𝐚𝐛𝐥𝐞𝐲 kaasi oo qayb ka ahaa tartanka Macalimiinta qaar kamid ah Dugsiyada ku yaalo Magaalada Baladweyne.
Kullankaan ayaa waxaa u soo daawasho tagay Gudoonka Kubada cagta Degamada Baladweyne, Macallimiin , Dhallinyaro iyo Boqolaal Dhallinyaro ah kuwaasi oo kala taageerayah Labada iskuul.
Macallimiinta Iskuulka Hoose Dhexe Sare ee Hormuud ayaa u gudbay wareega xiga ee tartanka Macallimiinta ee ka socda garoonka Buula-Xaableey ee Magaalada Baladweyne yaga oo sugaya wareega Labaad tartanka maadamaa wareega koowaad oo marayo heer gabo gabo ah.


