Iskuulka wax lagu bari doono gabdhaha oo laga dhagax dhigay Baladweyne.

0
69

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowlad gobaleedka Hirshabelle mudane Saciid Hagar Camalow iyo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliya ayaa si wada jir ah u dhagax-dhigay iskuulka hoose dhaxe iyo Sare ee Wabar Kutubow kaasi oo loogu talagalay in gabdha kaliyaha wax laga baro.

Munaasabada dhagax dhiga iskuulka waxaa ka qaybgalay xubno kasocoday maamulka Gobolka Hiiraan, Gudoonka Waxbarashada Gobolka Hiiraan iyo Mas’uuliyiin kale.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here