Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey in afar maalmood la hakiyo dagaalka si loo ogolaado in la sii daayo 50 qof oo lagu hayey Qasa, taas oo lagu beddelanayo 150 Falastiiniyiin ah oo ku xiran Israa’iil, iyo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee la go’doomiyey, sida ay tebinayso warbaahinta Reuters.
Saraakiil ka tirsan Qatar oo dhexdhexaadinaysay wada xaajoodyadan iyo sidoo kale Maraykanka, Israa’iil iyo Xamaas ayaa maalmo sheegayay in heshiis in la gaaraa ay dhawdahay.
Xamaas ayaa la rumaysan yahay in ay gacanta ku hayso in ka badan 200 oo qof oo ay soo qafaalatay.