Israa’iil oo aqbashay inay dib u bilawdo wadahadalada xabbadjoojinta ee dagaalka Qaza.

0
62

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Israel ayaa aqbashay inay dib ugu laabato wadahadaladii xabad joojinta ee dagaalka Gaza, ka dib markii ay dalbadeen Mareykanka, Qatar iyo Masar si ay u gaaraan heshiis lagu dhameynayo dagaalka iyo sii deynta inta hartay ee la haystayaasha iyo maxaabiista.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen, saddexda waddan, ee dhexdhexaadinta waday, ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii la soo gebagebeyn lahaa heshiiska xabbad joojinta, isla markaana la sii dayn lahaa maxaabiista iyo in gargaar degdeg ah oo dheeraad ah la geeyo Qaza.

Dalalka dhexdhexaadinta waday ayaa sheegay inaanu jirin wakhti intaas ka badan oo la sii lumiyo ama marmarsiinyo dheeraad ah oo dib loogu sii dhigo wadahadalada.

Waxay ugu baaqeen labada dhinac inay dib u bilaabaan wada-hadallada 15-ka Agoosto iyadoona wadahadaladan lagu wado inay ka dhacan Dooxa ama Qaahira.