Israa’iil oo isu diyaarineysa sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta

0
108

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waaxda xabsiga Israa’iil ayaa billowday wareejinta maxaabiista Falastiiniyiinta ee la filayo in lagu sii daayo heshiiska Xamaas habeenkii Jimcaha, taasoo qayb ka ah fulinta qodobbada heshiiska is dhaafsiga ee soo socda.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in dadka loo gudbiyay xabsiga Ketziot loo musaafurin doono Marinka Qasa ama dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Qadar, halka kuwa loo gudbiyay xabsiga Ofer lagu sii dayn doono Daanta Galbeed.

Heshiiska waxaa ka mid ah sii deynta 250 maxbuus oo xabsiyo dhaadheer ku jira iyo 1,700 oo maxaabiis ah oo laga qabtay Qasa wixii ka dambeeyay 7-dii Oktoobar 2023, oo ay ku jiraan 22 carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here