Israa’iil oo sheegtay inay furayaan xadka Rafax kadib baaritaan lagu sameeyay meydadka

0
92

Baladweyne  ( Radio Beerlula )-Saddex ka mid ah afarta meyd ee Xamaas Talaadadii ku soo celisay Israa’iil ayaa hadda la aqoonsaday, laakiin saynisyahannada ayaa la sheegay inay baarayaan meydka afraad, iyadoo la hubinayo inuusan noqon maxbuus hore.

Xamaas ayaa si qalad ah u wareejisay qof Falastiini ah oo dhintay is-dhaafsi hore oo dhacay sanadkan.

Meydadka la aqoonsaday waxay kala yihiin Tamir Nimrodi, Eitan Levy iyo Uriel Baruch.
Natiijadaas awgeed, raadiyaha bulshada ee Israa’iil ayaa sheegay in xadka Rafah ee Masar maanta dib loo furi doono, lix boqol oo gaari oo xamuul ah oo gargaar ahna ay geli doonaan Gaza

Israa’iil ayaa walaac ka muujisay sii-daynta gaabiska ah ee maxaabiista dhintay ee haray, waxayna ku hanjabtay inay xadidi doonto gargaarka markii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here