Israa’iil oo xirtay hawadeeda ilaa amar dambe

0
215

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda gaadiidka ee Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in hawada dalkaasi “la xiri doono ilaa amar dambe”.

Waxaa ka mid ah goobaha la xiray Gegida Diyaaradaha ee Ben Gurion, kaasoo la sheegay inay ka xiran yihiin dhammaan duullimaadyada imaanaya ama baxaya illaa amar dambe.

Wepsit-ka garoonka uu ku leeyahay barta internet-ka ayaa saaka u muuqta mid hawada ka maqan.

Wasaaraddu waxay sheegtay shalay in rakaabka doonaya inay safraan ay heli doonaan macluumaadka saxda ah “ugu yaraan lix saacadood ka hor inta aan hawada dib loo furin”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here