Israel oo gantaal ku dhufatay Masjid ku yaalla Gaza

0
15

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 20 kalana ku dhaawacmeen, kaddib marki ay millatariga Israel duqeyn cirka ah la beegsadeen masaajid ku yaalla Gaza, aroornimadi hore ee Axadda maanta.

Goobjoogayaal iyo iyo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in ay u badantahay in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badanaan karto, maadaamaa ay masaajidka ku noolaayeen dad kubarakacay dagaalka Gaza.

Bayaan ka soo baxay milatariga Israel ayaa lagu sheegay, in ay fuliyeen weerar sugan ku bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Xamaas oo ay ku sheegeen in ay ka howlgalayeen masaajidka Shuhadada Al Aqsa ee deegaanka Deyral Balax.

Weerarkan ayaa imanaya xilli hal maalin ay ka hartay sannad-guurada koowaad ee dagaalka Gaza.

Israel ayaa muddo sannad ah duqeyn iyo dagaal uu dhiig badan ku daatay ka wadda Gaza.

Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymaha Isra’il ee Gaza lagu dilay in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here