Israel oo ka baxday marinka Netzarim

0
167
Israeli soldiers operate in the Gaza Strip, amid the ongoing conflict between Israel and the Palestinian Islamist group Hamas, in this handout picture released on January 20, 2024. Israel Defense Forces/Handout via REUTERS

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciidamada Israa’iil ayaa bilaabay inay ka baxan marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Gaza, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee xabbad-joojinta ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ay heshiis ku gaari karaan sii wadidda xabbad-joojinta.

Israa’iil ayaa heshiiska xabbad-joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ay kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km ah oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday.

Markii xabbad-joojintu billaabatay bishii hore, Israa’iil waxay ogolaatay in Falastiiniyiinta ay marinka Netzarim u adeegsadaan inay ku laabtaan guryahooda burburay ee waqooyiga Gaza, iyada oo kumannaan qof ay cagtooda iyo baabuur ugu socdaaleen dhinaca woqooyi.

Ka bixidda ciidamada Israa’iil ee goobtaas ayaa ah mid ka mid ah qodobada heshiiska, kaasoo hakiyay dagaalkii socday 15-ka bilood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here