Itoobiya oo beereysa nus bilyan geed

0
197

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Malaayiin Itoobiyaan ah ayaa la filayaa inay ka qeyb qaataan olole ballaaran oo dhir beeris ah, iyadoo maamulka uu sheegay inay rajeynayaan in nus bilyan geedo lagu beero muddo 12 saacadood gudahood.

Laakiin rabshadaha sii xoogaysanaya ee meelaha qaar ka dhacaya ayaa caqabad ku noqon kara in dadku ay si aad ah isugu soo baxaan.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah hindisaha “dhaxalka cagaarka ah” ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

2019-kii, dawladdu waxay sheegtay in 350 milyan oo geedo ah la beeray hal maalin.

Waqtigaas mas’uuliyiinta ayaa sheegay in in ka badan 20 milyan oo qof ay ka qaybqaateen ololaha.