Baladweyne ( Radio Beerlula )-Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay noqoto dalkii 9-aad ee bulshada Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo EAC, taas oo ku soo beegmeysa dhowr bilood .
Wasiirka Kenya u qaabilsan Bariga Afrika iyo Horumarinta Dhulka Egenka ah, Peninah Malonza ayaa warkan ka sheegtay munaasibad cunto gargaar ah lagu qaybinayey oo ka dhacday degmada Kitui ee gobolka Bari.
Ms. Malonza oo sii hadleysa ayaa shaaca ka qaadday in wadahadallaa u dhexeeya Addis Ababa iyo madaxdaa ugu sarreya dallada EAC ay meel gebogebo ah marayaan, islamarkaana ay Itoobiya ay goor dhow ku soo biireyso Bulshada Bartiga Afrika.
Peninah Malonza oo uu soo xigtey Telefishinka Dowladda Kenya ee KBC intaas ku dartay in dalalka ku midoobey Bulshada Bariga Afrika ay doonayaan in ay mideeyaan siyaasadahooda ku aadden hirgelinta hannaan maaliyadeed oo qura iyo hay’adihii yagleeli lahaa lacag qura oo dalalkaas yeeshaan.