Itoobiya oo xayirtay akoonada 138 ruux oo ku lug leh suuqa sarrifka lacagaha qalaad.

0
110

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Amniga Maaliyadeed ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in xisaabaadka bankiga ee 138 eedeysane oo ku lug leh suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee aan sharciyeysneyn la xayiray, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Xayiraadda xisaabaadka bankiga ee 138-ka tuhmanayaal ayaa timid maalmo uun kadib markii guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Itoobiya, Mamo Mehret, uu ka digay in dadka ka ganacsada suuqa sarrifka aan sharciyeysneyn laga qaadi doono hantidooda haddii aysan joojin falalkaas.

Hay’adda Amniga Maaliyadeed ee dalka ayaa war-saxaafadeed ay siisay warbaahinta ku sheegtay in ay si dhow ula socoto ganacsiyo iyo shakhsiyaad ka shaqaynaya “sarrifka lacagaha qalaad ee sharci-darrada ah.

Warbixinnadu waxay sheegayaan in hawlaha maaliyadeed ee 138 tuhmanayal, kuwaas oo hay’addu ku tilmaantay inay yihiin kuwa doorka muhiimka ka ciyaarayey suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee aan sharciyeysneyn la xannibay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here