Ivan Perisic oo ku sugan Magaalada London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro Kooxda

0
257

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa la soo warinayaa in Ivan Perisic uu ku sugan yahay Magaalada London si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda reer London ee Tottenham.

33-sano jirkaan oo ka ciyaari kara garbaha daafaca iyo weerarka ayaa qarka u saaran inuu saxiixo qandaraas labo sano ah, waxaana uu ka mid noqon doonaa saxiixyadii ugu horreeyay ee uu Tababare Antonio Conte ka sameeyo suuqan xagaaga.

Goolhaye Fraser Forster ayaa sidoo kale ogolaaday inuu ku biiro Spurs marka uu dhammaado heshiiskiisa kooxda Southampton, waxaana uu durba soo gabagabeeyay baaritaankiisa caafimaad ee uu u maray Tottenham.

Xiddiga xulka qaranka Croatia, kaasoo 113 kulan u saftay dalkiisa, isla markaana gool u dhaliyey final-kii Koobkii Adduunka ee 2018 ayaa ku sugnaa Kooxda Inter tan iyo sanadkii 2015.

Ivan Perisic waxa uu ku guuleystay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii hore intii uu ka hoos ciyaarayay Tababaraha Tottenham ee Conte kaddib markii uu xilli ciyaareedkii 2019-20 amaah ku qaatay Bayern Munich, halkaas oo uu ku qaaday Koobka horyaallada Yurub ee Champions League.

Tababare Conte ayaa u sheegay kooxda inuu doonayo inay la soo wareegto ugu yaraan lix ama toddobo ciyaartooy oo cusub, iyadoo Spurs ay doonayso inay qarshahaas ku taageerto Macallinka reer Talyaani suuqa kala iibsiga xiddigaha.