Jaamacadda Plasma faraceeda Baladweyne oo fursado waxbarasho u soo bandhigtay ardeyda sannadkan ka baxday dugsiyada sare

0
464

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maamulaha jaamacadda Plasma faraceeda magaalada Baladweyne Cabdinaasir Cabdi Wabar ayaa radio Beerlula u sheegay in sannadkan 50 ardey ugu talo galeen inay siiyaan deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah marka la furo jaamacadda.

Cabdinaasir Cabdi Wabar ayaa sidoo kale sheegay in wali ay socoto diwaangelinta ardeyda sannadkan dooneysa inay ku soo biiraan jaamacadda Plasma  faraceeda magaalada Baladweyne.

Maamulaha jaamacadda Plasma faraceeda magaalada Baladweyne Cabdinaasir Cabdi Wabar ayaa sheegay in sannadkan jaamacadda ay ku soo kordhiyeen isbitaal casri ah iyo goobo kale oo baraatiko ku qaatan ardeyda jaamacadda.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here