Baladweyne ( Radio Beerlula)- Wasaaradda waxbarashadda, hiddaha iyo tacliinta ee dowladda goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saartay jadwalka imtixaanka fasalka 8-aad kaasoo maalinta beri ah ka bilaaban doono degmooyinka Hirshabeelle.
Wasaaradda waxbarashadda Hirshabeelle ayaa sidoo kale ardeyda ka qeyb galeysa imtixaanka ku boorisay inay dadaal badan sameeyaan, isamarkana ay iska joojiyaan isticmaalka baraha bulshada. 


