Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xabbad joojinta Qasa ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas ayaa ah mid aan cago badan ku taaganayn, tan iyo markii ay dhaqan gashay oo ahayd 19 Janaayo, iminkase waxay u egtahay mid kala daadan karta.
Talaadadii ayaa Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu sheegay “haddii Xamaas aysan soo celin dadka nalaka haysto wixii loo gaaro duhurnimada Sabtida, xabbad joojintu way dhamaanaysaa, Israa’iilna waxay sii wadaysaa dagaal xoog leh”.
Dhexdhexaadiyeyaal ka socda Masar iyo Qadar ayaa BBC u sheegay in ay sii kordhiyeen isku daygooda diblomaasiyadeed ee ay ku badbaadinayaan xabbad joojinta.
Wafdi ka socda Xamaas ayaa iyagana gaaray Qaahira si looga wada xaajoodo xiisaddan cusub.