Baladweyne(Radio Beerlula)-Khadka dhexe ee kooxda Chelsea mudada dhaawaca kaga maqnaa ee N’Golo Kante ayaa talaabo kale dhinaca wanaagsan u qaaday isagoo kasoo muuqday kulan kaddib mudo dheer.
Kante ayaa kulankaas oo ahaa mid ay ciyaarayeen xiddigaha 21 sano jirada ka yar ee Blues ka ciyaaray 60 daqiiqo iyagoo 3-0 kaga badiyay kooxda Charlton Athletic.
Horraantii bishan ayay ahayd markii Kante kusoo laabtay tababarka buuxa kaddib markii uu xilli ciyaareedkan oo dhan marka laba kulan laga reebo dhaawac ku seegay.
Graham Potter ayaa wakhtigaas xaqiijiyay in Kante talaabo weyn dhinaca taam ahaanshaha buuxa u qaadi doono mudada lagu maqan yahay kulamada caalamiga ah isagoo haatan wadadii haya.
N’Golo ayaa ah mid ay kooxdiisu si weyn ugu baahan tahay kulamada Real Madrid ay la ballansan yihiin bisha dambe ee wareega siddeed dhammaadka Champions League.
Heshiiska uu xiddiga French-ka ahi kula joogo Blues ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan balse waxa jirta kalsooni weyn oo ah inuu heshiis kordhin samayn doono.