Jamaahiirta Liverpool Oo Ugu Baaqay Kooxdooda Inay Saxiixa Xiddigaan Ku Garaacaan Manchester United

0
273

Baladweyne(Radio Beerlula)- Taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa ugu baaqay kooxdooda inay ku garaacaan Manchester Uniteed saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sporting Lisbon Bruno Fernandes ka dib markii uu iyaga gool ka dhaliyay kulankii xalay ee saaxiibtinimo.

Liverpool ayaa si xun ku bilaabatay ciyaartii ka dhacday garoonka Yankee Stadium ee magaalada New York City iyadoo 1-0 lagu hogaamiyay markii uu 24 jirkaan meel dheer shabaqa ka soo toogtay.

Fernandes ayaa kubada ka soo qaatay kala bar garoonka ka hor inta uusan taabasho fiican sameynin islamarkaana darbo la beegsan goolka.

Darbadiisa waxa ay aheyd mid daciif ah waxaana ay si toos ah ugu aadaneyd goolhayaha Liverpool Simon Mignolet.

Laakiin kubada ay ka baxsatay Mignolet iyadoo ku nasatay shabaqa islamarkaana Sporting siisay hogaan lama filaan ah.

Fernandes ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United xagaagan, iyadoo kooxda Red Devils ay dooneyso inay adkeyso kooxdeeda ka dib sannad niyadjab ah oo soo maray.

Laakiin taageerayaasha Liverpool ayaa ugu baaqay kooxdooda inay saxiixiisa ka hoos xado Manchester United.

“La soo wareega. La soo wareega qof uun. Waa kulamadii saaxiibtinimo ee ugu xumaa iyo suuqii kala iibsiga ee ugu xumaa ee aan wajahno ka dib sida sarre ee aan ku dhameysanay” ayuu taageere soo qoray.

“Haatan hala saxiixdo xiddigaan” ayuu mid kale ku soo qoray Twitter.

Mid kale ayaa dalbaday: “Hala saxiixdo Bruno Fernandes ciyaarta ka dib.”

 “Bruno Fernandes wuxuu nagu leeyahay ila saxiixda” ayuu mid kale soo qoray.

Taageere kale ayaa ku kaftamay: “La saxiixda Fernandes qeybta labaad ee ciyaarta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here