Jamaahiirta Manchester United Oo Madaxda Kooxda Ku Dhaleeceeyay Dib U Dhigista Ceyrinta Ten Hag.

0
12

Baladweyne (Radio Beerlula)-Manchester United ayaa ku guuldareysatay inay badiso markii sideedaad 11 kulan oo ay ciyaartay iyadoo barbaro 0-0 ah la gashay Aston Villa, taageerayaasha Red Devils ayaana aad u kacsan.

Ceyrinta Erik ten Hag ee Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku xirned Red Devils inay natiijo wanaagsan ka hesho Villa Park kulankii ay la ciyaareen kooxda heerka sare ee Unai Emery ee Aston Villa.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa ilko la’aan ahayd waana sidii ay xilli ciyaareedka oo dhan ku fashilantay in ay saddexda dhibcood hesho kulankii shanaad oo xidhiidh ah ee tartamada oo dhan.

Manchester United ayaa haatan gaartay dhibcihii ugu hooseeyay ee  Premier League ka dib todoba maalmood oo ay ciyaareen tan iyo 1989/90, iyagoo heysta sideed dhibcood.

Taageerayaasha ayaa hadda dhaleeceynaya INEOS iyo Sir Jim Ratcliffe sababo ku aadan dib u dhigista go’aanka lagu ceyrinayo Ten Hag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here