Xisbiga Jamhuuriga oo ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Wakiillada

0
15

Baladweyne (Radio Beerlula)- Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Congress-ka Maraykanka, taas oo dejinaysa laba sano oo dowladda Mareykanka ay kala qaybsanaan doonto, iyada oo xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Joe Biden uu gacanta ku hayo aqalka Senetka.

Guushan waxay siinaysaa Jamhuuriga awood ay ku xakameeyaan ajendaha madaxweyne Biden, iyo sidoo kale inay bilaabaan baaritaanno waxyeello siyaasadeed u keeni kara maamulkiisa iyo qoyskiisa, in kasta oo ay aad uga hoosayso guushani mowjadihii xisbiga Jamhuuriga ee la saadaaliyay.

Jamhuuriga ayaa ku guulaystay 218 kursi oo ay u baahnaayeen si ay u xakameeyaan Aqalka.

Guusha xisbiga Jamhuuriga ee degmada 27-aad ee Koongareeska California ayaa u fududeysay inay la wareegaan aqlibiyadda golaha wakiillada.