Japan oo ogaatay in ay leedahay in ka badan 7,000 oo jasiiradood oo cusub.

0
130

Baladweyne (Radio Beerlula)- Waddanka Japan ayaa dib u tiriyay inta jasiiradood ee ay leeyihiin waxaanay soo saareen in ka badan 7,000 jasiiradood oo aan horey xisaabta ugu jirin taas oo ka dhigaysa laba jibbaar tiradii markii hore u diiwaan gashaneyd.

Khariidadda dhijitaalka ah ee ay samaysay Hay’adda Macluumaadka dhulka ee Japan taas oo magaceeda loo soo gaabiyo (GSI) ayaa dhawaan heshay in ay jiraan 14,125 jasiiradood oo ku yaal dhulka Japan, tiradan oo ah mid ka badan 6,852 oo jasiiradood tirada ku xusneyd warbixinta ay ilaalada xeebaha Japan soo saareen sannadkii 1987 taas oo si rasmi loo isticmaalayey tan iyo markaas.

Si kastaba ha ahaatee, GSI ayaa toddobaadkan carabka ku adkeeysay in tirada cusubi ay ka tarjumayso horumarka tignoolajiyada sahaminta iyo faahfaahinta khariidadaha loo isticmaalay tirinta – tan ayaanse waxba ka badaleynin lahaanshaha guud ee dhulka Japan.

Waxay sheegtay in inkasta oo uusan jirin heshiis caalami ah oo ku saabsan sida loo tiriyo jasiiradaha, ay adeegsatay cabbir la mid ah midka hadda 53 sano ka hore.