Baladweyne (Radio Beerlula)-Siyaasiyiin Jarmal ah ayaa walaac ka muujinaya ammaanka kaydka dahabka Jarmalka ee ku jira bangiga dhexe ee Mareykanka (Federal Reserve).
Jarmalka ayaa haysta kaydka labaad ee ugu badan dahabka adduunka, iyadoo 37% oo u dhiganta 1,236 tan (qiimahoodu yahay €113 bilyan) lagu hayo New York.
Walaaca ayaa soo kordhay kadib isbedellada siyaasadeed ee Mareykanka, gaar ahaan siyaasadaha Madaxweyne Donald Trump, taas oo keentay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga CDU ay dalbadaan in dib loo eego kaydka dahabka.
Markus Ferber, oo ka tirsan baarlamaanka Yurub, ayaa ku baaqay in saraakiisha Bangiga Dhexe ee Jarmalka ay si shaqsi ah u hubiyaan dahabka ku jira Mareykanka.
Bangiga Dhexe ee Jarmalka (Bundesbank) ayaa horey u sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo Mareykanka iyo kaydka dahabka ee halkaas yaalla.
Qiimaha dahabka ayaa dunida si wayn sare ugu kacay bilihii ugu dambeeyey iyadoo qiimihiisu gaadhay halkii ugu sareysay abid.