Jarmalka oo rajo ka qaba in la yareeeyo khasaaraha ka imaankara cashuuraha Mareykanka

0
36
“President Donald J. Trump for Time Magazine in 2019” by Pari Dukovic, inkjet print, June 17, 2019 (printed 2020). National Portrait Gallery, Smithsonian Institution. Copyright 2019 Pari Dukovic. President Donald J. Trump for Time Magazine in 2019

Baladweyne (Radio Beerlula)-Jarmalka ayaa sheegay inuu rajaynayo in Midowga Yurub iyo Mareykanka ay gaaraan heshiis ku saabsan canshuuraha cusub ee Mareykanku kusoo rogay baabuurta, balse waxa uu digniin ka bixiyay in “wax kasta miiska saaran yihiin,” si uu u aarguto.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay canshuur dhan 25 boqolkiiba oo lagu soo rogi doono baabuurta, gaadiidka fudud, iyo qalabka baabuurta ee laga keeno dibadda, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah isla markaana keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid suuqyada saamiyada.

Canshuurahaasi waxa ay dhaqan geli doonaan Khamiista toddobaadka dambe, balse Jarmalka — oo ah dhaqaalaha ugu weyn eurozone-ka isla markaana ah mid ka mid ah soo saarayaasha baabuurta ee ugu waaweyn Yurub — ayaa xusay in Midowga Yurub uu raadineyo “wadahadal qoto dheer” oo lala yeesho Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here