Jarmalka oo soo jeediyay In la bilaabo hadda ololaha lagu aqoonsanayo dowladda Falastiin.

0
110

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Johann Wadephul ayaa sheegay nidaamka aqoonsiga Falastiin ay tahay inuu hadda bilowdo.

Waxaase uu sheegay in “Jarmalka, aqoonsi uu siiyo maamulka Falastiin ay u badan tahay inuu noqdo dhammaadka nidaamka.

Waxaa uu sheegay xalka laba maamul oo laga wada hadlay uu weli yahay ‘’ halka wado ee lagu gaari karo xal deggan oo laga gaaro colaada taasi oo ogolaanaysa dadka labada dhinac ay ku noolaadaan nabad, ammaan iyo sharaf. ”

Qoraalka ayaa la wadaagay iyada oo lagu wado booqashada Wadephul uu ee Israa’iil iyo dhulka Falastiiniyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here