Jilaa Caan ah oo farxad ka helay meel uu u tagay in timaha looga jaro.

0
293

Baladweyne(Radio Beerlula)- Jilaaga rug caddaaga ah ee reer Hindiya, Rishi Kapoor, ayaa aad u farxay markii uu maqlay hees uu qaaday isagoo filin jilaya xilli uu aad u da’ yaraa.

Jilaagan ayaa hadda ku sugan dalka Mareykanka, halkaasoo looga daweynayo xanuunka kansarka ee uu qabo.

Nin ka mid ah shaqaalihii meheradda, oo u dhashay ruushka ayaa heesta caanka ah daaray isla markii uu aqoonsaday in qofka soo galay uu yahay Rishi Kapoor.

Rishi ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaal uu ku qoray: “Heestii astaanteyda ahayd ayaa laga daaray goob aan u tagay in timaha la iiga jaro. Nin Ruush ah ayaa I aqoonsaday, wuxuuna heesta kasoo saaray keydkiisa fanka. Mahadsanid Sergie.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here