Joan Laporta Oo Shaaciyey Booska Ay Barcelona U Baahan Tahay In Laga Xoojiyo Bisha January

0
133

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Joan Laporta ayaa shaaciyey booska ay kooxdiisu ugu aahida badan tahay ee ay doonayaan in ay ka xoojiyaan suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, mana aha booska weerarka ee dhalainta goolasha ee ay hadal-haynta badan ka taagan tahay.

Laporta ayaa waxa uu sheegay in kooxdiisu ay tebayso weerar dhexe oo kubad-sameeye ah oo tamartiisu badan tahay, halkaas oo ay bisha January isku dayi doonaan inay ka dhisaan kooxda.

Barcelona oo natiijooyin aan fiicnayn ka keenaysay horyaalka LaLiga usbuucyadii ugu dambeeyey, ayaa waxa muuqata in ay tabeen da’yarka reer Spain ee Gavi oo bishii November uu dhaawac kaga soo gaadhay jilibka ciyaarihii caalamiga ahaa, isla markaana ka maqnaan doona xilli-ciyaareedka oo dhan.

19 jirkan ayaa waxa soo laabashadiisu ku astaysan tahay xagaaga, waxaase jira shaki ah in ay suurtogal tahay in xilli-ciyaareedka dambe uu maqnaan doono kulamada uu horreeya.

Laporta oo u warramayay warbaahinta EFE, ayaa yidhi: “Haddii aanu awoodno in aanu ka dabbaalano sharciga dhaqaalaha ee LaLiga, fikraddaydu waa in aanu khadka dhexe uga magdhowno waayista Gavi. Waxay noqon doontaa amaah illaa dhamaadka xilliciyaareedka ah, waxaana tusaale noo ah sidii aanu samaynay waqtigii aanu la saxeexanay Edgar Davids. Waxay ila tahay in ka hor inta aanu sannadku dhamaanin in aanu boos u samayn doono dhawr saxeex oo aanu ka shaqaynayno.”