Jose Mourinho Koobka Carabao Cup Ka Ciribtiray Chelsea,

0
605
LONDON, ENGLAND - SEPTEMBER 29: Gedson Fernandes of Tottenham Hotspur is challenged by Edouard Mendy and Kurt Zouma of Chelsea during the Carabao Cup fourth round match between Tottenham Hotspur and Chelsea at Tottenham Hotspur Stadium on September 29, 2020 in London, England. Football Stadiums around United Kingdom remain empty due to the Coronavirus Pandemic as Government social distancing laws prohibit fans inside venues resulting in fixtures being played behind closed doors. (Photo by Neil Hall - Pool/2020 Getty Images)

Baladweyne(Radio Beerlula)-Tababare Jose Mourinho ayaa markii ugu horeysay gacanta sarre ka helay tababare Frank Lampard iyadoo kooxdiisa Tottenham ay rigoore 5-4 ku garaacday kooxda Chelsea xilli 90kii daqiiqo ee ciyaarta la isku mari waayay barbaro 1-1 ah.

Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay qeybtii hore iyadoo Timo Werner uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Blues laakiin dhamaadkii ciyaarta waxaa Tottenham u barbareeyay Erik Lamela.

Tottenham ayaana u soo baxday wareega sideed dhamaadka Carabao Cup ka dib markii Mason Mount laga badbaadiyay rigooradii ugu danbeysay.

Tottenham ayaa rigoore 5-4 kaga badisay Chelsea iyagoo u soo gudbay wareega sideed dhamaadka ee Carabao Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here