Joshua Kimmich Oo Heegan Galiyay Barcelona

0
91

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda Barcelona ma aysan qarin xiisaha ay u qabto Joshua Kimmich, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Bayern Munich halka tababaraha kooxda ee Xavi Hernandez uuna ka waaban amaanta xiddiga.

Kimmich ayaa xiiso ka helay kooxda Barcelona iyada oo kooxdu doonayso xiddiga khadka dhexe xilli uuna xiddigu alaabka ka xidhin ku biirista kooxda Bayern Munich.

Kimmich Waxa uu wali Bayern Munich kula jiraa heshiis 2 sano ah kooxda Bayern Munich ayaan doonaysa in ay sii haysato xiddiga khadka dhexe.

Xiddiga Kimmich ayaa sheegay in uu maqlay wararka la xidhiidhinaya ku biirista Barcelona laakiin waxa uu doonayaa in uu sii joogo kooxdiisa.

Kimmich Oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xavi waa tusaale ay tahay in aan raaco kubada cagta”.