33.1 C
Beledweyne
Thursday, October 24, 2024
Home Cayaaraha Jude Bellingham Oo Shaaciyey Muddada U Qorshaysan Inuu U Ciyaaro Real Madrid

Jude Bellingham Oo Shaaciyey Muddada U Qorshaysan Inuu U Ciyaaro Real Madrid

0
83

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa shaaciyey tirada sannaha uu doonayo inuu joogo kooxdiisa cusub ee Real Madrid oo uu xagaagii kaga soo biiray Borussia Dortmund, isla markaana uu ku noqday ciyaartoyga la isku raacsan yahay in uu yahay saxeexii ugu fiicnaa illaa hadda.

Jude Bellingham oo ay da’diisu tahay 20 jir, ayaa Real Madrid u saxeexay heshiis lix sannadood ah, laakiin waxa uu rumaysan yahay in waqtigaasi ku yar yahay oo ay tahay inuu sii dheereeyo muddada, maadaama uu muddo kooban ku noqday hoggaamiyaha dhabta ah ee Santiago Bernabeu.

Kubbad-sameeyahan oo hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta horyaalka LaLiga oo uu dhaliyey siddeed gool oo ah tirada goolashii uu xilli-ciyaareedkii hore u dhaliyey kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund, ayaa waxa waraysi uu bixiyey xalay lagu weydiiyey muddada uu doonayo inuu joogo Real Madrid, waxaanu ku jawaabay: “Bilihii yaraa ee ugu dambeeyey, waxa aan ka shaqaynayay sidii aan waqtiga ku habboon usoo geli lahaa xerada ganaaxa, waxaanan imanayaa aniga oo gaajo badan i hayso.