Jude Bellingham Oo Si Waalli Ah Ugu Hanjabay Arsenal Ka Hor Lugta Labaad

0
157

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga Real Madrid Jude Bellingham oo digniin culus u diray Arsenal kahor lugta labaad ee wareega siddeedda Champions League inkasta oo kooxdiisa looga badiyay 3-0.

Jude Bellingham ayaa fariin hanjabaad leh u diray kooxda Arsenal iyadoo Real Madrid ay rajaynayso inay si mucjiso ah uga soo kabsato guuldarradii 3-0 ahayd ee lugta hore ee wareega siddeed Champions League.

Kooxda difaacanaysa koobka ayaa wajahday guuldarro ceeb ah markii  3-0 ay ku xasuuqday Arsenal kulankii lugta hore ee ka dhacay Emirates Stadium Talaadadii. Laba gool oo uu qeybtii dambe dhaliyay Declan Rice iyo mid uu dhaliyay Mikel Merino ayaa fursad weyn siiyay kooxda Gunners.

Bellingham ayaa lagu eedeeyay inuu sabab u ahaa goolka labaad kaddib markii uu qalad ku galay Thomas Partey meel ka baxsan xerada ganaaxa, taasoo keentay laad xor ah oo Rice si cajiib ah u dhaliyay. Si kastaba ha ahaatee, qaab ciyaareedkiisa guud ayaa la ammaanay, isagoo sameeyay laba baas oo muhiim ah qeybtii dambe.

Maalin kadib guuldarrada niyad-jabka lahayd ee ka dhacday waqooyiga London, Bellingham ayaa fariin digniin ah u diray kooxda horyaalka Premier League isagoo ku qoray bartiisa Instagram:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here