Jurgen Klopp Oo Ka Baxay Amusnaanta Kana Hadlay Wararka Liverpool La Xiriirinaya Kylian Mbappe

0
107

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababare Jurgen Klopp ayaa ka baxay aamusnaantii wararka la xiriirinaya kooxdiisa Liverpool saxiixa Kylian Mbappe.

Reds ayaa dhawaan u soo muuqatay mid ka mid ah kooxaha u sharaxan ee amaahda ku doonaya Mbappe xagaagan.

Si kastaba, Klopp ayaa biyo qabow ku shubay wararkaas ka dib wareysi uu siiyay Sky Germany.

Markii la weydiiyay wararka Liverpool la xiriirinaya Kylian Mbappe, tababare Reds ayaa ku jawaabay: “Waan ku qosolnaa wararkaas.

“Waxaan oran karaa inuu xaqiiqdii yahay ciyaaryahan aad u fiican laakiin xaaladaha dhaqaale ma ahan mid gabi ahaanba nagu haboon.

“Ma doonayo inaan sheekada ku ciyaaro haatan laakiin inta aan ka warqabo wax ka jira ma leh wararkaas.

“Laakiin waa macquul in qof kooxda ka tirsan uu wax isku hagaajinayo si uu lama filaan iiga dhigo laakiin taasi ma aysan dhicin sideedii sannadood ee aan halkaan joogay. Haddii ay taasi dhacdo waxay noqon doontaa markii ugu horeysay.”

Hadalka Klopp wuxuu niyad-dhis weyn u yahay Chelsea oo wadahadalo kala gashay PSG saxiixa Kylian Mbappe.

Blues ayaa dooneysa inay weeraryahanka Faransiiska ku soo iibsato lacag kaash ah oo uu ciyaaryahan la socdo.

Mbappe ayaa iib ah xagaagan ka dib markii uu xaqiijiyay inuusan kooxda Faransiiska qandaraaska u cusbooneysiin doonin wixii ka danbeeya 2024ka.