Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Qaab Ciyaareedka Liita Ee Fabinho.

0
165

Baladweyne (Radio Beerlula)-Klopp ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah dhibaatooyinka Liverpool ee xilli ciyaareedkan ay tahay qaab ciyaareedka xun ee Fabinho kaas oo aan ku jirin qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa qaab ciyaareedka xun ee Fabinho ku tilmaamay in ay tahay wax iska caadi ah oo ay xiddigaha kubada cagtu maraan.

“Ma jirto sharraxaad dhab ah isla markaas badalka shaxdu sabab uma halan”ayuu Klopp yidhi.

“Fabinho ayaa arinta iigala hadlay wax badan ma ahayn laakiin xirfadada xiddigaha waxa jira marar uu qaab ciyaareedkoodu hoos u dhoco waana arin iska caadi ah”.

“Sida caadiga ah, waxa arintaas lagu xalin karaa in uuna xiddigu ciyaarin kulamo badan laakiin marka la eego xaladeena dhaawac, Fabinho waxa uu ku qasbanyahay in uu ciyaaro si uu uga boxo xaalada”.

“Taasi waa sida ay tahay. Haddii aan helno xiddigo kale waxa aan Fabinho siin doonaa fursad uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisa”ayuu sii raaciyay.