Jurgen Klopp Oo Ka Jawaabay Wararka Liverpool La Xidhiidhinaya Jude Bellingham.

0
133

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku qoslay Fursadaha ay kooxdiisu ku heli karto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham.

Reds ayaa ah koox muddo dheer lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga 19 jirka ah waxana si weyn loo filayaa in uu isaga tago Dortmund sanadka soo socda.

Real Madrid, Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ayaa sidoo kale la sheegay inay xiiso u qabaan saxiixa Bellingham, iyadoo Los Blancos ay u muuqato inay caqabadda ugu weyn ku tahay rajada Liverpool ee saxiixa xiddiga.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Liverpool iyo qoyska Bellingham ayay u badantahay in ay liverpool ka caawiso in ay hesho saxiixa xiddiga laakiin Dortmund ayaa dalban doonta lacag dhan 130 milyan si ay u helaan saxiixa xiddiga.

Klopp ayaa jimcihii la hadlay saxaafada ka hor dagaalkooda Premier League ee Boxing Day ee ay la ciyaarayaan Aston Villa, intii lagu guda jiray waxaa wax laga weydiiyay suurtagalnimada saxiixa Bellingham wuxuuna ku qoslay markii loo soo bandhigay fikradda ah in ay heli karaan saxiixa xiddiga suuqa January.

“Anigu waxaan ahay qof qaldan in la weydiiyo, ma garanayo, January xaaladeena waa mid aan mar walba diyaar nahay”ayuu klopp yidhi.

“Waan arki doonaa waxa mustaqbalka soo kordhinaya, qofna ma garanayo xilligan, laakiin waxaan ku qanacsanahay inay fiicnaan doonto, mustaqbalkuna waa noo iftiimaya”ayuu sii raaciyay.