Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha LIveprool ee Jurgen Klopp ayaa lagaga ganaaxay inuu yimaaddo garoomada oo uu kooxdiisa hoggaamiyo, kaddib falkii cadhadu ka muuqatay ee uu sameeyey ciyaartii Tottenham, taas oo uu garsoore Paul Tierney hortiisa ku dabbaal-degay.
Jurgen Klopp ayaa uu ganaaxu ku dhacay xilli ay kooxdiisu halgan ugu jirto inay soo cidhiidhsato afarta sare ee horyalka Premier League, waxaana uu seegi doonaa labada ciyaarood ee u hadhay kooxdiisa.
Sabtida toddobaadkan ayaanu Jurgen Klopp iman doonin kulanka adag ee Aston Villa, waxaana Liverpool maamuli doona Pepijn Lijndern oo ah tababare ku-xeenka kooxdaas oo labada ciyaarood ee u hadhsanba ku fadhiisan doona kursigii Jurgen Klopp.
Waxa kale oo uu Jurgen Klopp ka maqnaan doonaa ciyaarta ugu dambaysa xilli ciyaareedka ee ay booqashada ugu tegi doonaan kooxda heerka labaad u dhacday ee Southampton.
Jurgen Klopp ayaa sidoo kale lagu ganaaxay inuu bixiyo lacag dhan £75,000 Gini oo uu ku mutaystay hadalkii uu warbaahinta ka sheegay ee lidka ku ahaa garsoore Tierny.
Tababarahan 55 jirka ah aya waqtigaas yidhi: “Sidee ayay Mohamed Salah u siiyeen qaladka ka hor goolka saddexad ee Spurs? Taariikh ayaa naga dhaxaysa Tirney.
“Anigu ma garanayo waxa uu nagaga soo horjeedo [Tierney], waxa uu noo sheegay in aanay wax dhibaato ah jirin, laakiin waa beentii. Sida uu aniga ii fiiriyo waan fahmi waayay.
“Dabbaal-degaygu waxa uu ahaa mid aan daruuri ahayn, waxa uu iska ahaa mid caadi ah, laakiin waxa uu igu yidhi markii uu kaadhka huruudda ah i siiyey in aanu caadi ahayn.”