Jurgen Klopp Oo Xiddig Liverpool Ah Raali Galiyay Kadib Guushii Fulham.

0
104

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Jurgen Klopp ayaa si kaftan ah uga raali galiyay Curtis Jones In uuna kulamo badan ciyaarsiin kadib markii uu door muhiim ah ka ciyaaray guushii Liverpool ee semi-finalka Carabao Cup.

Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Fulham kulan ka dhacay Anfield lugtii 1-aad ee Semi-final-ka tartanka Carabao cup-ka.

Reds ayaa dhibaatootay qaybtii hore ka hor inta uuna Jones dhalin goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha qaybtii dambe ee ciyaarta.

Jones ayaa gool qurux badna u dhaliyay kooxdiisa waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddiga 22 jirka ah ayaan si joogto ah ugu ciyaari jirin Liverpool wixii xilli ciyaareedkan ka dambeeyay laakiin waxa uu xilli ciyaareedkan joogto ugu ciyaaraa kooxda.

“Waxa aan maqlay waraysiigiis waxa uu codsaday kulamo badan, waxa aan Curtis ka raali galinayaa in aanan fursad u siin in uu kulamo badan ciyaaro bilowgii”.