Kaadh Cusub oo Lagu Soo Kordhiyay Kubada Cagta Yurub

0
246

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kulan u dhaxeeyay kooxaha Sporting Lisbon iyo Benfica ee gabdhaha ayaa garsooraha uu bixiyay kaadh cad ka dib markii sharci cusub lagu soo kordhiyay kubada cagta Portugal.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa u bartay inay arkaan kaadh jaale ama casaan ah oo lagu ciqaabo ciyaartoyda marka ay qalad sameeyaan.

Laakiin ma aysan la qabsanin inay arkaan garsoorayaasha oo bixinaya kaadh cad oo la micno ah cagsiga kaararka jaalaha iyo casaanka.

Taageerayaasha Portugal ayaa markii ugu horeysay arkay kaadhka cusub kulan u dhaxeeyay kooxaha Sporting Lisbon iyo Benfica ee dumarka.

Iyadoo Benfica ay ciyaarta ku hogaamineyso 3-0 ayaa qof uu ku xanuunsaday kursiga keydka qeybtii hore ee ciyaarta.

Shaqaalaha caafimaadka labada kooxood ayaa u soo kala cararay si ay u caawiyaan shaqsiga xanuunsaday.

Ka dib markii arintaas la xaliyay garsooraha ayaa la arkay isagoo kaadh cadaan ah u taagaya labada kooxood.

Taageerayaasha ayay lama filaan ku noqotay kaadhka cusub iyo waxa loola jeedo.

Kaadhka qad wuxuu qeyb ka yahay qorshe laga bilaabay kubada cagta Portugal.

Si ka duwan kaararka jaalaha iyo casaanka oo lagu ciqaabo kooxaha, kaadhka cad waxaa loogu talo galay in lagu amaano kooxaha iyo ciyaartoyda marka ay ciyaar wanaag sameeyaan.

Fekradaan cusub ayaa ah mid loogu talogalay in lagu dhiirogeliyo ciyaar wanaaga iyo is caawinta.

Benfica ayaa ciyaarta ku badisay 5-0 iyagoo u gudbay wareega sideed dhamaadka Koobka Portugal ee dumarka.