Kadib Fashilkii Gakpo, Erik ten Hag Oo Calaacalku Ka Dhamaaday.

0
135

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda Man United ee Erik ten Hag Ayuu calaacalku ka dhamaaday kadib markii ay Saxiixa Gakpo u wayday Liverpool saacadihii la soo dhaafay.

Liverpool ayaa Man United ku garaacday saxiixa xiddiga Cody Gakpo iyada oo Reds si deg-deg ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga saacadihii la soo dhaafay.

Erik ten Hag Ayaa si cad u doonayay saxiixa xiddiga Gakpo waxana uu xitaa qirtay rabitaankiisa ah in uu la midoobo xiddiga ay isku dalka yihiin.

Laakiin Liverpool ayaa haatan si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga Gakpo kaas oo haatan u duulaya England si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Liverpool.

Kadib markii ay Man United ku fashilantay saxiixa Gakpo, tababaraha Man United ee Erik ten Hag ayaa ka hadlay qorshaha suuqiisa ka hor furitaanka suuqa January.

Erik ten Hag oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan luminay weeraryahan, waxa aan u baahanahay weeraryahahn kale”.

“Waxa aan doonaynaa in aan weeraryahan tayo leh ku soo darno kooxda kadib markii aan luminay weeraryahan aan doonaynay”ayuu sii raaciyay.

Waxa xusid mudan in Man United doonaysay saxiixa xiddiga Gakpo ilaa xagaagii la soo dhaafay iyada oo xiddigu xitaa qirtay in uu doonayo ku biiro Man United.