Kai Havertz, Raheem Sterling, Cole Palmer Iyo Xiddigaha Laga Ganaaxay Horyaalka Premier League

0
74

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagtas Arsenal ma heli doonto adeegga ciyaareed ee xiddiga reer Germany ee Kai Havertz kulanka adag ee Salaasada ay ku ballansan yihiin West Ham United oo ay ku qaabbili doonaan garoonka Emirates Stadium, waxaana laacibkan laga ganaaxay ciyaartan.

Waxa uu Kai Havertz ka mid noqday shan ciyaartoy oo loo diidayo inay ciyaaraan kulamada usbuuc dhamaadkan, kaddib markii ay qaateen min hal kaadh toddobaadkan.

Weeraryahanka reer Germany oo dib u helay qaab ciyaareedkiisa usbuucyadii u dambeeyey oo uu si joogto ah ugu soo bilaabanayay khadka dhexe ayaa kaadhkiisii shanaad qaatay ciyaartii Liverpool, waxaana uu ka maqnaan doonaa kulanka West Ham.

Chelsea ayaase ah kooxda dhibaatada badan haysato toddobaadkan, waxaana laga ganaaxa Cole Palmer iyo Raheem Sterling oo ka maqnaan doona ciyaarta Crystal Palace.

Manchester United ayaa woxoogaa nafis ah dareemi doonta marka ay garoonka Old Trafford kusoo dhoweeyaan Aston Villa habeenka Arbacadu soo gelayso, sababtoo ah waxa kooxda Unai Emery ka maqnaanaya Matty Cash oo ay u buuxsameen shan kaadh, halka Jayden Bogle uu isaguna maqnaanayo.