Kalfadhiga shannaad ee baarlamanka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

0
304

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u daah furay kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka.

Munaasabada daah furka kalfadhiga shanaad ayaa waxaa inta badan ka qeyb galay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka, xubno ka socda beesha calaamka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka waramaya waxyabaha ay ku guuleysteen kalfadhigii hore.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay midnimo muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here