Kaluumaysato u dhalatay shiinaha oo dhintay xilli ay ka baxsanayeen ilaalada xeebaha Taiwan

0
74

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Labo kaluumaysato ah oo u dhalatay dalka shiinaha ayaa dhintay xilli ay ka baxsanayeen ciidamada ilaalada xeebaha Taiwan meel ku dhow jasiiradda Kinmen ee waqooyiga Taiwan.

Taipei ayaa sheegtay in doonida kalluumeysiga ay ku xad gudubtay biyaha Taiwan Arbacadii.
Afar Kalluumaysato ah oo la socday Doonta ayaa diiday in la baaro, waxaana doonida ay qalibantay markii ay eryadeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Taiwan.

Beijing “si adag ayay u cambaareysay” dhacdada, iyadoo sheegtay in ay si dhab ah u dhaawacday dareenka dadka wadaniyiinta ah ee labada dhinac ee marin biyoodka Taiwan.

Kinmen ayaa 3km (1.86 mayl) u jirta xeebta koonfureed ee Shiinaha, taas oo ka dhigaysa jiida hore ee xiisadda u dhaxaysa Shiinaha iyo Taiwan