Kamala Harris oo bilaawday ololeheeda doorashada Mareykanka.

0
64

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kamala Harris ayaa cagta saartay waddadii ololaha , iyadoo hubsatay ballanqaadyo ku filan xilli loo arko in ay tahay musharraxa ugu saameynta badan ee Dimuqraadiga.

Waxay ka hadli doontaa isu soo bax olole oo ka dhacaya Milwaukee, Wisconsin ee gobolka muhiimka ah.

Sidoo kale waa goobtii uu dhawaan ka dhacay shirweynihii xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump loogu doortay inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga.

Habeen hore, xaruntii ololaha ee Delaware, Ms Harris waxay ka ballan qaadday inay ka adkaan doonto Mr Trump.

Harris waxa ay ballan qaaday ilaalinta xuquuqda taranka.