Kanaalka biyo mareenka deegaanka Geeda barkaan ee Jowhar oo xariga laga jaray

0
97

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa daah duray biyo mareenka Axadow oo laga hirgeliyay deegaanka Geeda-barkaan ee duleedka Magaalada Jowhar.

Biyo mareenkan ayaa loogu talo galay in loo adeegsado waraabka beeraha si kor loogu qaado wax soo saarka beeraha, waxana furitaankiisa ka qeyb galay xubno ka socda hay’adda cunnada iyo beeraha qaramada midoobay ee FAO iyo shirkaddaha hirgeliyay biyo mareenkan.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdimajiid Aweys Isaaq.