Karim Benzema Oo La Xaqiijiyay In Uu Ku Biirayo Koox Sucuudiga Ka Ciyaarta.

0
91

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweyne ku xigeenka Kooxda Al-Ittihad ee Ahmed Kaaki ayaa qarxiyay war waali ah oo ku saabsan xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema.

Wakhtigii ugu dambeeyay horyaalka sucuudiga ayaa noqday mid ay hadal hayaan saxaafada adduunka iyada oo ay xiddigo badan ku soo wajahanyihiin halka uu Cristiano Ronaldo haatanba ka ciyaaro.

Xiddiga Karim Benzema ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee lala xidhiidhinayo horyaalka sucuudiga iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Al-Ittihad oo ku guulaystay horyaalka Sucuudiga.

Madaxweyne ku xigeenka kooxda Al-Ittihad Ahmed Kaaki ayaa xaqiijiyay in uu Karim Benzema ku soo biiri doono kooxda Al-Ittihad suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Benzema ee Real Madrid ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka waxana ay kooxda Real Madrid doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Kaaki oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Karim Benzema waxa uu ku soo biirayaa Al-Ittihad Insha allah”.