Karim Benzema Oo Rikoodh Taariikhi Ah Ka Sameeyey Ciyaartii Celta Vigo

0
130

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tan iyo markii uu kusoo biiray Real Madrid sannadkii 2009, Karim Benzema waxa uu kamid ahaa xiddigaha muhiimka ah ee qaybta weyn ka qaatay guulihii ay gaadhay Los Blancos, balse waxa uu raacsaday rikoodho iyo abaal-marino shaqsi ah oo loo diiwaangeliyey.

Guushii xalay ay kooxdiisu ka gaadhay Celta Vigo ayaa waxay u ahayd mid taariikh usoo jiidday inkasta oo aanu awoodin inuu gool dhaliyo oo ay shaqada u qabteen Marco Asensio iyo Eder Militao oo labadii qaybood kala dhaliyey labada gool.

Karim Benzema ayay u ahayd ciyaartii 437aad ee ay Real Madrid guuleysatao iyadoo uu u ciyaarayo oo uu garoonka ku jiro, waxaana uu barbarreeyey rikoodhka guulihii kabtankii hore ee Sergio Ramos oo afar sannadood kaga soo horreeyey Santiago Bernabeu.

Iker Casillas ayaa ah ciyaartoyga ugu guulaha badan Real Madrid waxaana u diiwaahgashan 463 ciyaarood oo uu ku jiray garoonka oo ay kooxdu guulysatay, waxaana uu Karm Benzema u baahan yahay in uu 27 ciyaarood oo kale libin la qato naadigiisa si uu u noqdo ciyaartoyga ugu guulaha badan taariikhda Real Madrid.

Xilli ciyaareedkan oo ay uga hadhsan yihiin siddeed ciyaarood oo horyaalka ah, finalka Copa del Rey oo ay usoo baxeen oo ay Osasuna wada dheeli doonaan bisha dambe iyo Champions League oo ay wareegga semi-finalka isku dhaceen Manchester City ayaa uu Karim Benzema ugu sii dhowaan doonaa Iker Casillas ka hor inta aanu u bilaabmin heshiiska cusub ee sannadka ah ee uu dhowaanta qalinka ku duugay.

Benzema ayaa waxa uu kalsooni ku qabaa in uu gaadhi doono oo uu waliba dhaafi doono Casillas iyo rikoodhkiisa taariikhiga ah haddii uu xilli ciyaareedkan si fiican ku dhamaysto sannadka dambena u noqdo mid wanaagsan.